wanaagaaga i deeq
laga waa xumo iyo iin
cid kale uurkaygu diid
dhaayuhu araaga doone

anaad ii tahay ilays
sidii ubaxana udgoon
indheer garadiyo haldoor

jacaylkeena irmaan
agtayda ka qiimo wayn
aduunkiyo waxa dhex yaal

aadame labadiisa dul
daqiiqado aabudhmee
afkana la hayaamiyo
ayaan qudha sii jiraa

sidiisa ilmaan qubaa
inay ku arkaan markay
inuun dhaayuhu tabaan

Exit mobile version