Inkastoo abaal lumay
La arkooy aduun tahay
Nina arami damaqdiyo
Uur ku taalo kama lado
Ana ulashadaydani
Af gobaadsi maahee
Ishaydaad ka aragtaa
Waa se aragti kaa maqan
Anbaqaadka noloshuye
Ma anigaa ilawsho dhaw
Ma adigaan i aaminin
Halkay iintu kaga taal caashaqeena ugubkaa
Inkastoo ayaantii tagtay
Aanay soo noqon
Nina aayahiisiyo
Ma ogaado wax u maqan
Ana umal kastoon qabo
Anoo uunka kuu jecel
Kuma eersan karaankay
Waase barasho aadmigu
Intuu ruuxba kuu jiro

Exit mobile version