Kadaa hadalada
Damqaaya
Damiirka ka daa
Xanuunka
Jacaylka dabool
Ha saarin
Adaa dadayee
Ha daahin
Indhahan kugu doogsanaaya
Qalbigan kuu diran Ha diidin
Dulqaad
caashaqa u yeelo
Dadnimadenana
Wanaaji
Dugeenaa u hiili maanta
Hadaan dacartii ragiyo
Damucu meel kale ku gayn
Anuu samikaan dugsane
Bal yaan lagu doorinuun
Kadaa dakanada jacaylka
Dihaalkiyo dibad wareega
Jacaylka dal dheer ha gaynin
Adaa durkayee
Ha duulin
Naftan dacalkaaga taagan
Dul iyo dibad ha uga dhoofin
Kusoo durug wada jirkeena
Usoo dabac aayaheena
Ufiirso danteena maanta

Exit mobile version