Adigoo jid adag maray
Oo jooga meel dheer
Wali jamashadaadii
Kama jarin calooshoo
Waad ijiidanaysaa
Anoo jeelo kuu qaba
Adigaa jiciirtee
Jamaal qurux wanaagow
Jaahiyo xasuustaadii
Waan ka jiifsan waayay
Waan ka joogi waayay
Wacadkii dhexdeenana
Anoon jarin
Oo waliba kalgacalkuna igu jiro
Jeexaygii midigoow
Ii soo jawaab celi
Jibadii kalgacalkaa
Jiro igu abuurtoo
Dhamaantay jidhkaygiyo
Wadnahayga jiidhoo
Ku jaxaansan awgaa
Jabadkaad ogayd buu
Jirku igu hayaa wali
Jammaal qurux wanaagow
Waanigan jalbeebtee
Iisoo jeedso adiguna

Exit mobile version