Adaa lurka igu abuuray
Lagtiyo beerkayga saaqay
Adaa lahashadan ihaysa ibadaday
Caashaqan ladhkiisa
Adaa ku lifaaqan
Maanka
Kashana ka leexaysanaaya
Sidii laangeed
Ku taal
Naftayda adigoon lugoynin
Si baad ii beer lushee
Xalkiyo libinteena raadi
Adaa ku linkaxan qalbiga
Ku likaysan beerkee
Ha iiloogin nacabkoo
Hayga tuurin luuniga

Exit mobile version