miyaad la bugtaa jaceylka
miyaad burqataa dareenka
miyaad bogan weyday jiifka
miyaad baadaa sideyda
miyaad boholyow jaceylka
bestaa uba tahay sideyda
miyaad baafisaa warkeyga
miyaad balantii dhexdeena
intaad baajisay wanaagii
miyaad bilisnimo ilowday
caku ee beer dibaaxintayda
miyaad ubax caashaq beertay
miyaad ubalwaysan waayoo
miyaad ugu baaqday heeso
miyaad ubinaysay taalo
miyaad boodhari sidiisii
badweynta jaceylka dhex qaady
miyaad baafisaa warkeyga
miyaad balantii dhexdeena
intaad baajisay wanaagii
miyaad bilisnimo ilowday
caku ee beer dibaaxintayda

Exit mobile version