naf naf dooratoo
mudo badan dayo
dif jacayl qabtoo
kalgacaykan dagay
dibad meer ka dhigay
oon helin dabiib
dadku waa arkee
adiguna dareen
durba barshadii
kugu soo dagyoo
doqon kuu xigay
waa dabeecadaha
dagdaga ragee
goorma i damacdaa
goormaa i doontaa
daratoo i aragtaye
goormad igu dul ooyda
qofbaa dow ku kulantee
isha isku daydeen
daymoo horena jirin
doonis iyo jacayl
sideeba dabuu
damac caashaq wado
looga daadajaa