sida hogol da'aysaad
dusha uga hilaacdoo
dan wadaag ma noqonaa

sida kaymo dooglaad
anigaba ii deeqdee
waa dookh jacaylkuye
dooduna ino furan

waa isla doonasho ilaah
anigoo i doortiyo
adigoo i diir jecel
goormaan darmaanyahay
dadab wada galaynaa

waa isla doonasho ilaah
inaad daacad hadashiyo
anigoo ku dayrinee
door roonahaygoow
imikaba na daadihi

daa'uus sidiisaad
daymada ku wacantoo
waa dacar jacaylkuye
danta ma u heshiinaa

sida dhool da'ayaad
dusha iga hadhaysoo
waa danab jacaylkuye
yaa diiday odhan kara

Exit mobile version