ma gaboobo caashaquyee
labada isla garataa
guushiisa hanatee

ana waxa i gubeyee
gaar kuugu ahay adi
waa waxaad i galisoo
kuma goyn karaye

gaabso markaan idhaahdaba
adaa gabay naftaydoo
go'aankeeda diidee

adaa dagay garaadkee
geestaad doonto ii wadoo

ma guuro caashaquyee
lamaanaha gudboonbaa
aan ku guul daraysaninee

ana dareenka goobiyo
wuxuu gaadh i leeyahay
gacaliye agtaadoon
ku gooniyoobee

Exit mobile version