jacaylkaa dhisaynaye
dharaaro iyo habeen
kaan dhawrayne
diiftiyo dhaawaciyo xumatada
waadigan dhantaalaye

dhulka hooy ku jiidaye
bal aan dhawrno inanyahaw
dheef waxaad la kulantiyo
dhib wixii ku gaadhaba

waadigana i dhaafoo
i dhagaysan waayee
bal aan dhugano aayaha
halka uu ku dhigo nabsi
waadigan dhitaystee

anigoo dhab kuu jecel
kaa ilaasha dhibkiyo
wixii aad dhaliishaba
huri wayday jacaylkiyo
wada dhalashadeeenii

dhankalaad jaleecdo
dhalanteed run moodee
waan kaa dhursagayaa
dhinacaaga wiilyahaw

Exit mobile version