Damiir hal adeegnimiyo
quruxda lagu daaheyee
darandar indhihii arkaan
marnaba daymada ka daalinee
timaha kala degay dusheediyo
ilkaha dabarka leh ayaa idalee
waxaan dumar day dayoom
mid ii dana raadiyaba
hadaan taan doonayeey
ilaaha ka ducaysan jiray
anigu dajiya is helnee
rabow isu kaaya daa

Dadnimo dhaqankeediyo
quruxda lagu deyrayee
dadkaba ruuxay is bartaan
kolaba diiqad aanay galine
degane socodkeediyo
dibnaha madawga leh ayaa idilee
waxaan dumar day dayoo
mid ii dana raadiyabaa
hadaan taan doonayeey
ilaah ka ducaysan jiray
anigu dajiya is helnee
rabow isu kaaya daa

Exit mobile version