Jacaylkaan dhisaayay
Ma dhowr bari baaa
Dareenkii dharaaro
Madhaan tagay baa

Waxaa dhursugaayay
Ma dhalantayda baa
Dhalaaka qurxoon
Ma dhayl tirmayaa

Caashaqa ma dhamaado
Dhab buu ii helee
Yartaan isku dhiibay
Maxaan ka dhahaa
Hadaas isku dhiibtay
Maxaan ka dhahanaa
Yartaan isku dhiibay
Maxaan ka dhahaa

Naftaan isku dhiibay
Ma dhoof jacayl baa
Qofaan udhabaaqday
Dhagoole miyaa

DHeeftii kalgacaylka
Dhaqsaan urabee
Yartaan udhaloobay
Mid dhoohan miyaaa

Caashaqa ma dhamaado
Dhab buu ii helee
Yartaan isku dhiibay
Maxaan ka dhahaa
Hadaas isku dhiibtay
Maxaan ka dhahanaa
Yartaan isku dhiibay
Maxaan ka dhahaa

Exit mobile version