VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Safar sax - Lyrics

safarbaa la tagayaa iyo socoto dheeroo soo noqod lahaynoo ina wada sugaayee surin waxa la marayaa siigiyo dabayliyo suudigana cad ceed saant kugu dhagayso surmi iyo haraad badan saa waxa ka daran taa halaq micida saydhiyo saymaha libaax iyo abeesbaa sun sumayoo ninka seef af waynliyo aan u wadanin sahay badan kama samata baxayee sidee loo jid marayaa sokeeyiyo xigaalkaa ku soor yeeya ma lohoo saaxiibkaa rumaadoo ku saacidaa ma joogoo reer sabadka yaaloo u sii hoyataa ma lohoo sahaydeedu meeshaas subag iyo saliid maaha sonkor iyo bariis maaha caanihii sibraarkiyo hilibkoo la solay maaha soorta dunida taaloo dhan soorteedu taa maaha waa suqor la waa sanqadh la soco oo ha soo noqon bal aan idin su aalee maxaad saaka wadataan subaxaa qiyaamaha la hor tagi subxaanka ninka saaka jecelow xilka sahal ha moodine dhulka aan ku soconiyo samaduu ka culus yahe yuu sibiq idinku galin
Queue is empty
-- / --