1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
safarbaa la tagayaa iyo socoto dheeroo
soo noqod lahaynoo ina wada sugaayee
surin waxa la marayaa siigiyo dabayliyo
suudigana cad ceed saant kugu dhagayso
surmi iyo haraad badan
saa waxa ka daran taa halaq micida saydhiyo
saymaha libaax iyo abeesbaa sun sumayoo
ninka seef af waynliyo aan u wadanin sahay badan
kama samata baxayee sidee loo jid marayaa
sokeeyiyo xigaalkaa ku soor yeeya ma lohoo
saaxiibkaa rumaadoo ku saacidaa ma joogoo
reer sabadka yaaloo u sii hoyataa ma lohoo
sahaydeedu meeshaas subag iyo saliid maaha
sonkor iyo bariis maaha caanihii sibraarkiyo
hilibkoo la solay maaha
soorta dunida taaloo dhan soorteedu taa maaha
waa suqor la waa sanqadh la soco oo ha soo noqon
bal aan idin su aalee maxaad saaka wadataan
subaxaa qiyaamaha la hor tagi subxaanka
ninka saaka jecelow xilka sahal ha moodine
dhulka aan ku soconiyo samaduu ka culus yahe
yuu sibiq idinku galin