wax dhintaad ka samirtaa
rajo waa la dhawraa
wixii dhumayna doodoon
ayaad is dhiiri galisaa
dhabaan ceel dageenbaan
geel ku dheelmiyaayoo
dhalandhool haraadbaan
nafta dhiganayaaye
dhici wayday sidaan rabay
dhaawiciiba dilaacayoo
waa dhaboobay jacaylkaa
dheeldheelsanaayee

dhagax dhuunta kama dago
dhaayahaad ku aragtaa
dhulka meesha doogale
harar kuma dhadhabashee
ana dhaawacbaan ahoo
dhibtu way igu badantoo
dhididiyo kulaylbaa
dhabanada ka da'ayee

Exit mobile version