caashaqu gardaranaa guhaad iyo dhib necebaa
ruux dartaa u golon golay inaad gees ka dhaaftiyo
gacansaydhin gacaltooyo jecelaa
gaal iyo islaamow ruuxaad galbinaysoo
ubax tiri gudoonoo garan waayay taladii
bal gorfeeya idinkuba
jacaylku guracanaa gaaliilyadiisu badanaa
hadaan laguu garaabayn cidi kula gorfaynayn
gooni isu taagiyo goaan qaadasho badanaa

Exit mobile version