Sida Meel Ugbaadloo
Mahiigaan Intuu Helay
Manka Iyo Ubaxii
Midabeeyeen Quruxdaad
Maankayga Deeqdoo
Muxibada Aan Kuu Qabo
Mililico Daraadeed

Meeluunbaa Ku Tebaysoo
Kuu Muhatay Adigee
Inan Yahow Majiifsado
Maledoo Huradada\’Oo
Beerkaad Ku Mudantoo Ax
Waad Iwada Mushaaxdoo
Qalbigaygaad Mirataa

Sidaad Tahay Mumtaas Iyo
Muunad Wada Xariiriyo
Ama Meydab Geel Iyo
Miiraale Roobaad
Waan Kugu Mabsuudoo
Waxaan Kugu Mataalo
Miisaan Lasaarana
Dunidaba Mayaaloo
Ma Malayn Karaayee
Inan Yahow Majiifsado
Maledoo Huradada\’Oo
Beerkaad Ku Mudantoo Ax
Waad Iwada Mushaaxdoo
Qalbigaygaad Mirataa

Exit mobile version