rajadii naftaydaay raacdaynta noloshiyo
rafaadkiyo dhibaatada waxa lagaga reya
aadmiga u wada roon
marka aad rug iyo raas reer wacan yagleeshee
risiq wada xalaaliyo ubad lagu riyaaqiyo
raaliyo la daristee
rabibaa amaanle riyadii rumawdoo
raasamaalkii gaadhnee rayn rayn
ku noolow
reexaantii noloshoo raaxada aduunyadu
riyo kuma timaadee rasmibay ku taranta
runbaa lagu bacrimiyaa
mar hadaynu rays iyo raas wacan astaynoo
raxmaankeenu nagu simay sunihii rasuulkiyo
raxmad weeyi guurkuyee

Exit mobile version