helayoo hankaygii
hubaal waanhumaagshee
heeryada nasiibkay
heegada halkuu dhigay
hada iyo hadhowtana
hurgumadii la hoorshana
iyo hiilka kugu maqan
haldoorkii naftaydoow
hobee heesaha aroorka
habee holin waayey kaligey
hobee hiiraarka caashaqa
hobee hadmaad igu lamaan
hobee hadmaad igu laamanan

habku dhaca aroorku
hagar aan lahaybaa
hiil lagu eekeeyaaa
hilow lagu itaalshaa
haraaka iyo habowgana
hore kuuguma sheegine
halyeykaan astaystow
hogol hoorta ii noqoo
hobee heesaha aroorka
habee holin waayey kaligey
hobee hiiraarka caashaqa
hobee hadmaad igu lamaan
hobee hadmaad igu laamanan
hobee heesaha aroorka
habee holin waayey kaligey
hobee hiiraarka caashaqa
hobee hadmaad igu lamaan
hobee hadmaad igu laamanan

Exit mobile version