maankaygan ku raaciyo
sidaad iigu mudantahay
ama iigu marantahay
iigu maax jacaylkuye
muran miyuu ka joogaa
adigaa u markhaatiyee

marti waa la sooraaye
masuug ha igu noqoninee
inta aan dagayno meel roon
aan ka boodno mooskee
ka ilaali mahadhada

maayadii jacaylkiyo
sida mawjadoo kale
maskaxdayda qaadoo
kaama maarmi karayee

mulaaxiyo inaad tohoo
dadkaba iiga mudantahay

Exit mobile version