jacayl dhababaan wadaa
i qabay sida dhibica roob
laftiyo dhuuxoo galoo
dharaarahan i rushee

la dhuubtaye hadimadaan
intaa la dhawaaqayaa

qalbiga dhakafaaray
dhafoorkan xanuunka qaba
shantaan dhabanada hayaaye

bulshadu iga dhoohanaa
dhibkaygu ka daahanaa
intay i dhaliilayaan
qalbiga kii dhayi lahaa
daawiyo dhakhtarka u ahaa
siduu dhaqankeenu yahay
bal may guri noo dhisaan

xubnaha dhaqdhaqaaqa wada
halbawlaha dhiiga haga
intuu i dhex dagay wadnaha
dhamaan xididada ku baah

umaan dhiman iima tudhin
dhanaba wali iima ridin

dhakoole wareenka
niyada dhul yaalku dilay
ayaan wali dhololayaaye

Exit mobile version