waan hu haybinayoo
hurdo kaama ladoo
huqdaadaa i dishee haa haa

jacayl waa halisiyo
hawl aduunka jirtoo
hebelaa u dhintee haa haa

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida hsdaw magoolaan
kugu soo hirtaayee

nin haraad qaba oo
hogol roob arkayoo
hangadaan ahee haa haa

hoobaantaa lulataan
soo haab haabanayee
hanqalkaan la kacee haa haa

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida halo ka reebaan
kaliday hugmaayaa

hadh cadbaan lumayoo
ka habaabay rugtoo
lay haybinayee haa haa

hilaacbaa ii baxoo
waxuunbaa ila hadloo
i hogaaminayee haa haa

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida hadow magoolaad
kugu soo hirtaayee

nin halbawluhu
dhiig habayaan ahayoo
wadnuhu hawda hayee haa haa

nin haraad qaba oo
hogol roob arkayoo
hangadaan ahee haa haa

hayin gaabinayaan
hawd caleenliyo doog
hayaankii u raree haa haa

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida halo ka reebaa
kaliday hugmaayaa

Exit mobile version