wadartii haweenkaad
gabadhyahay wax dheertahoo
waaxyahaagan simaniyoo
wajigaagan quruxda leh
wanaagaad u dhalaatay
xiska weerar galisaye
waxa nool aduunyada
adaan kugu warwarayaa
warna iima hayside
waanadayda maqaloo
hadii uu eebe nagu simo
jaceyl aan wadaagnee
adna hay waxyeelayn
qofba waayihiiisiyo
wakhtigaa hadheeyo
warankii kalgacalkaa
waalalow igaliyee
way baa ku noolee
wiilkiii indhaha iyo
wadayaasha dhiigoo
waxtarkaygiibaad tahay
warna iima hayside
waanadeyda maqaloo
hadii weyne nagu simo
jaceyl aan wadaagnee
adna hay waxyeelayn
jaceylbaa iwada oo
iwateeyay anigee
iwalwaalanaayoo
kolna waaban maayee
wacadkii xasuusnow
wanaagii naftaydaay
weedhaad tidhaahdaa
wadnahay ku taalaa
warna iima haysidee
waanadayda maqaloo
hadii wayne nagu simo
jaceyl aan wadaagnee
adna hay wax yeelayn
sida waqal kusoo dagay
wareer abaarsadey
wabigii iyo xareedii
ubaxii ay waraabsheen
wacadigaagu igu noqonay
ifka laguma waareen
nafta weeradiisoo
waxtarkaygii baad tahay
waarna iima hayside
waanadayda maqaloo
hadii wayne nagu simo
jaceyl aan wadaagnee
adna hay wexyeeeleyn

Exit mobile version