yarkii xiisahaa dareeenka
naftayda ku xoojiyoo
ogow xiskayga laabta
adaan kugu xifdiyaaya

inaan xubiga iyo jacaylka
kalsooni xad dhaafa lahoo
adiga kugu xeeriyo
qalbiga kugu xukumee

xulkii ragoo idil
waxaan ku xamdiyi laha
oo aan xasil gali lahaa
gortaan xila kuu noqdee
oo aan ubad kuu xambaar

yarkii xuladashada kalgacalka
xibiga aan ugu xiroo
ogow xurmo iyo wanaagba
xagaaga ku dhowraya

inaan xigtiyo sokeeyaba
kaliga kaa xaqdhowra oo
dadkana ka xigsada oo
hoostaan kaa xariiqaye

Exit mobile version