bashar quruxeey bawar kula siman
oon ku baal dhigo uma boginoo
bil ma aragoo naftu may baran

adaa bilaneey boogta dhayi kara
adaa bilaneey i bogsiin kara
adaa bilaneey baahi tiri kara
adaa bilaneey baahi tiri kara

adaa iga baaridaydaay
adaa iga badan oo bilaahiya
adaa iga badan oo badhkayga
adaa iga badan oo i beerlulay

bashar quruxeey qof bildhaan wacan
oo aan beegsado beesha kuma arag
bar cilaaneey naftu may baran

beelo quruxeey bilicdaada
beelo quruxeey bilad mudanoo
beelo quruxeey waa laguu bogay
beelo quruxeey waa laguu bogay

adaa iga baaridaydaay
adaa iga badan oo bilaahiya
adaa iga badan oo badhkayga
adaa iga badan oo i beerlulay

Exit mobile version