Yartu waa dhalad
Waana dhashii awliyada
Muuqaybay dhalatay
Gobolkii nigaado
Magaceeda saytuun
Dhexyaray saacido
Aloow yaanan dhiman
Kala dhicin kala dheeraan

Yartu waa dhalad
Waana dhashii awliyada
Muuqaybay dhalatay
Gobolkii nigaado
Magaceeda saytuun
Dhexyaray saacido
Aloow yaanan dhiman
Kala dhicin kala dheeraan

Yartu waa dhibic
Waana dhool arooryaad
Waagoo soo dhalaalo
Daymada u roon
Midabkeedu waa dhiin
Maariin dhalaal xiga

Dhaban xaad liyo
Xubno dheeli tiran
Adaa huunooy mawli kugu dhali
Hida dhawra dhaqan xeersha
Asal dhalad dhiigaay
Dhex yaray saciidaay

Dhool da,ay la moodaay
Saciidaay
Dhaayahayaga u rooneey
Saciidaay
Ha iga dheeraan cidlo dhawraay
Axdi dhawraay dhiso kaaba

Ii soo dhawoow caashaqana dhowr
Ii soo dhawoow dheesha ila dheel
Halkii aad ku dhalatay
Dhulkii hooyo
Ayaan guri nooga dhisi
Saciidaay

Dhaban xaad liyo
Xubno dheeli tiran
Adaa huunooy rabi kugu dhali
Hida dhawra dhaqan xeersha
Asal dhalad dhiigaay
Dhex yaray saciidaay

Yartu waa dhalad
Waana dhashii awliyada
Luuqay ku dhalatay
Gobolkii nigaado
Magaceeda saytuun
Dhexyaray saacido
Aloow yaanan dhiman
Kala dhicin kala dheeraan

Yartu waa dhalad
Waana dhashii awliyada
Luuqay ku dhalatay
Gobolkii nigaado
Magaceeda saytuun
Dhexyaray saacido
Aloow yaanan dhiman
Kala dhicin kala dheeraan

Dherer jooglaay jooglaay
Dherer dherer jooglaay
Dheemantaydaay
Dhaawac bi,iyaay
Dhaxan dugsiyaay
Taan ku dhaartee
Nafta aan u dhiibee
Dhashii awliyaay
Yaanan kala dhumin
Yaanan kala dhicin
Yaanan kala dhixin
Yaanan kala dhiman
Yaanan kala dheeraan
Dhexyareey saciidaay

Dhan kastoon ka eegaba
Dhamays tiraneey
Timo dheeraay saciidaay
Inaan dagno dugsi dagno
Ubad ii dhashaan
Dharaar iyo habeen
Ku riyoodaa
Ha isiin dhurwaa ha ilaawin cadawga
Dheel maaha caashaqa igu waar
Dhuubeysan cidaay dhuubo yartii
Dhalataay ii dhiib gacantaada
Ii dhiib ii dhiib aan dhunkadee

Dhaban xaad liyo
Xubno dheeli tiran
Adaa huunooy rabi kugu dhali
Hida dhawra dhaqan xeersha
Asal dhalad dhiigaay
Dhex yaray saciidaa

Yartu waa dhalad
Waana dhashii awliyada
Luuqay ku dhalatay
Gobolkii nigaado
Magaceeda saytuun
Dhexyaray saacido
Aloow yaanan dhiman
Kala dhicin kala dheeraan

Yartu waa dhalad
Waana dhashii awliyada
Luuqay ku dhalatay
Gobolkii nigaado
Magaceeda saytuun
Dhexyaray saacido
Aloow yaanan dhiman
Kala dhicin kala dheeraan

Exit mobile version