dhibtaad soo martay
dheemanay iska ilow
nin raggi kuu geystay iska ilow
dhawaacu kaaga tegay
dheemanay iska ilow
anaa kula dhashay
kuu dhiman waan ku dhadan

roob da ay ubax baxay waa dhalad
qurux dumar dheeman dumar waa daad
dhaqankiyo xishoodka lagu daashay
dhamaan shacabkeenuna waa amaanay

la isku raac inaa tahay dheemantii hablaha
lagu daalay inaad tahay gobtii reerka
kama dhargo hadalkaaga xuuranceynta
naqtaydaan ku diyaare waan ku dhowri

maalmo geelo dhalay baan kaa diidi
iidhiib gacantaada aan ku loodshe
dhulkii hooyo laasqoray aan ku soo baro
ha dhicin ha jabin cadaw ha u jabin
ruux kale ha u jabin inadeer

Exit mobile version