VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ma dheel baa - Lyrics

Nin goohiye la dhashay ma Dheelbaa sadex ulo geeley ma Dheelbaa dhemanka ku socdo Ma dheelbaa dhashii ibadali Lahayd weli may dhalan Dhoola tus maaha Dheel dheelna maaha Dhiigaa I dhaqaaqay Qiiro qiiro maaha Ku dhufoo ka dhaqaaq Iga wadana maaha Dhexda ka jabi dheel Dheelina maaha Dhulkaan camiran nin Buu dhabarka ujabey Ujabey u dhintay Cadowga dhuuf udilay Dhufaan ka dhigay Dhaan dhaan ka dhigay Iidhiib stawoga aan La dhuuqo maaha Nin goohiye la dhashay ma Dheelbaa sadex ulo geeley ma Dheelbaa dhemanka ku socdo Ma dheelbaa dhashii ibadali Lahayd weli may dhalan Dhuraan dharo horta Yaa ibaray maser Badnaa hortaa ma Shoocilbaa dhaliil badnaa Horta ma sheegadba dheg Dheg badnaa ma dhashii Dhurwaada ma dharbaxa Garaca ha ooyee Maska dhejiga mas Gaduud miyaa dhagaba Maaha ee ma dhoohanaa Burjigayga top Reer aadan dhalad Nin goohiye la dhashay ma Dheelbaa sadex ulo geeley ma Dheelbaa dhemanka ku socdo Ma dheelbaa dhashii ibadali Lahayd weli may dhalan Dhulka soo deg hada titiinleya Dhanka dagalama hada titiinleya Dhurteyda burqani hada titiinleya Dhugo waxa dhacaya hada titiinleya Goohiyow soo dhawoow hada titiinleya Toban ito dhowr sano hada titiinleya Ku dhiibtay hogaanka hada titiinleya Ha dhaafin cadowga geesigeeniyow Nin goohiye la dhashay ma Dheelbaa sadex ulo geeley ma Dheelbaa dhemanka ku socdo Ma dheelbaa dhashii ibadali Lahayd weli may dhalan
Queue is empty
-- / --