saxansaxo udgoon
subax roob di'iyo
saytuun baxaay

seedaha qalbiga
saciidooy adaaa
ku samaysanee

sinta socodka iyo
saanqaadka iyo
laafyaha la simay

soomaalibaad
uga soocantee
suurad quruxsaney

soo jeedka iyo
suniyaha qurxoon
sahwi igu ridyoo
saacadii walbaba
waan salalayaa

naftaad saaqdayoo
suntii caashaqaad
saacidooy qalbiga
ku samaysatee

ubax soo baxaay
sidigtaydiiyeey
soo durug walaal
hablo sabanka kacay
marna lama sinide
soo durug walaal

dhiigaad saaqdayo
surimaa wadnaha
sasabaalisaa

dhexda soohaniyo
sidan aad tahaad
wadnahayga sudhan

Exit mobile version