VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yarta jubaland - Lyrics

Abaayo kaa helay deeqa luulaay Dumar dhanba taa ka doortay Qalbi nuuraay Qalanjadii jubaland dalka nuurisaay Dawgii hore taan ka helay La igu xantaay Qurux dumar ayaad u tahay Daraawiishta Yaa i boobshe i dal geeyay Deeqa luula Iigu daayay baarashuudka Dushii gurigeeda Dooxadii bu,aaliyo deeqa luulaay Dawle waa aqoone sidii Qoomkii nabi nuux Anaa imiga u imid inaan daawado Dugsi dagno wada dagno Deeqa luulaay Ubad dhalno daadahayno Bartii agmadow Waa dahab waana dirac Waana tolkaa Ii tali noo tali waan ku doortee Halow baa ii dheere nairo Halka lagu gaaray Faafax dhuun baala dheero Ila dooro Dookhayga ku raacay yarta Jubaland Soo dabaalo baal baro Jubaland Balaayadu kaa xijaaban yarta Jubaland Ku baabiyay calankeene yarta Jubaland Dookhayga ku raacay yarta Jubaland Soo dabaalo baal baro Jubaland Balaayadu kaa xijaaban yarta Jubaland Ku baabiyay calankeene yarta Jubaland Sii daa bal u daa hoyga laabta Geenyadii dalkaa yarta jubaland Maxaan day daydayay oon ku daalay Harageeda hadalkeeda deeqa luula Dumar lama sinid huuno sow Ma ogid taa Daaimbaa kaa dhigay dhamays Tiranee Yaa ku wada kula daga dusha Dayaxa Ma is raacnaa huuno gacal Dhanka goob weyn Ma is raacnaa kana dagnaa Beertii janada Dadkii dhan ma nagu farxeen Oo na daawaday Sayidii dii dj durmaanka Anaa tumi Ducaysane wiilkii adi kuu Gabyay Dusha qooqaa nina lagu Hadal hayo Kaalay daawo deeqa luulaay Magaaladii luub Kaalay daawo geela dhalay Waa barwaaqee Alow yaa ku garab maray Deeqa luulaay Dookhayga ku raacay yarta Jubaland Soo dabaalo baal baro Jubaland Balaayadu kaa xijaaban yarta Jubaland Ku baabiyay calankeene yarta Jubaland Dookhayga ku raacay yarta Jubaland Soo dabaalo baal baro Jubaland Balaayadu kaa xijaaban yarta Jubaland Ku baabiyay calankeene yarta Jubaland Magacayga kinkong wiilka Jubaland Deeqa luula baan caashaqay I qeeqdee Igu daaya aan la dheelee Wey i deeqdee Dookhayga dalabkayga Duriyada Talaabada dagan iyo miisaanka Cadow kuma damco huuno Ala beerka Dhiigiyo ficilkaan kugu Doortee Duntaada lama gooyo Lama gaaro Dibnahaad igu dishay huuno eega Boqol halo kaa dhiibay Deeqa luulaay Dacalada kismaayona durbaan Kuugu tumi Geesiyadi garbaharay dusha Kaa ilaali Boqoradii doobley ilaa deglama Degmadii buuroxaabo ilaa Boorodhoobo Da,yarteena joogta durbaan Kuu tumi Kaalay daawo jubaland Deeqa luulaay Dookhayga ku raacay yarta Jubaland Soo dabaalo baal baro Jubaland Balaayadu kaa xijaaban yarta Jubaland Ku baabiyay calankeene yarta Jubaland Dookhayga ku raacay yarta Jubaland Soo dabaalo baal baro Jubaland Balaayadu kaa xijaaban yarta Jubaland Ku baabiyay calankeene yarta Jubaland
Queue is empty
-- / --