Dawooy dawo caafimaadeey
Darmaan qurux lagu mariimaay
dareenka nafteeyda kiciyaay
deegaan baxdey, ubax dilaacey
maxa damqashada kalgacalka
dartaa u haraadanaa
maxaa gabalkoo dam yidhii
dadkoo seexdey guuro galay
maxey dirqi igu aheyd
danteena inaan u kaco
muxuu daal igu badnaa

Dadaalkeey mudnaa
daryeelkaaga wacnaa
inagoo isku duuban iyo
dadkii in gargaariyo
deeqda rabibaa lahaa
damaashaad ila cayaar
Dadaalkeeyga mudnaa
daryeelkaaga wacnaa
anagoo isku duubaniyo
ducada waalidkeen iyo
deeqda rabi baa lahaaa
damaashaad ila cayaar

Exit mobile version