Anoo xoor iyo xareed ka cad
xan mooyee jacayl xogtii hayn
xurmada guuriyo rag xaalayn
i xojisay aragtaadii
caqliyo daymada xishoodka leh
xamdiga quruxdaada ku xasilay
xididka yuusuf-aan cid kaa xigin
xalaawo jidiinka aan xaganiyo
xariirta la daawadaa tahay
xan iyo beeni way iga xaaraan
xisaab inta geesi xay nool
xaqiiiq wiilkaan xushaa tahay.

Garaad xaakimkeenu kugu xeer
xogtii gaban loo xishaa tahay
xurmada meel la xiisaya tahay
xaajigii ku dhalaa xusuus mudan
xortii ku dhashaa xaqdhawrka leh
xeradaad ku korta xajiin ka fog
xul baa tahay garasho ku xeel dheer
xalawo jidiinka aan xaganiyo
xariirta la dawada tahay
xan iyo beeni way iga xaaraan
xisaab inta geesi xay nool
xaqiiq wiiilkaan xushaa tahay

Exit mobile version