anaa dadka kaa xushoo
dareenka jaceyl ihoday
anaa dawo ii tahooo
naftayda ku dooratee
waliba kugu daalayoo
ilmana kuu daadiyee
hadii dacad latahoo
raguna door wada ahayn
damiirba midaan lahayn
maxaa dahab kaaga dhigay
nin tiisiibaa dayacay
dantaada maxaa ku xidhay

anuu dooq iiyahoo
dartii dibinaan ahee
inuu iisoo dabcaaa
dooqaaga ku dhowraya
aduumbaa ku daalayee
miyuu ku dareemayaa
anaa dumar kula ahee
naftaada adoon bahdilin
xubigan dacartaa ilow

Exit mobile version