qalaayada jaceelbaah
iqaaribey nafteydee
ila qabo walaalo
qaxar hay horseedine
qurux badan qaaliyey
qiimihii haweenkaay
qaalidii nafteydaay
qaadirkii ku uumaa
qurux kuugu deeqee
qarniga hablaha kacay
qaabkaga oo kale
indhahaygumay qaban
qabilaad wacan baan
qaban qaabo guurbaan
kuu qorsheeyay inanyahay
quruxdii dhulkaygaay
wabigii qalaafiyooo
qararkii hargeysiyo
qabowgii janaaliyo
quruxdii kismaayaan
qaabkeeda leedahay
qaadirken hanoo kadhiso
quud inaan wadaagnoo
qayrkeena dhaafnoo
ku qabowno nolol wacan
qurux qaaliyon
qof waliba helin
adaa qaatayooqayb helay
qureyshtii haweenkaay
qadowgii jigjiga iyo
quruxdii diri dhaba
qalbi qoomanbaa
kugu qamamaya oo
siduu qaadir kuu qoray
uuqaali kaaga dhigey
qancisey nafteydii
qalbigeygii qaadoo
qarqisay qudhaydii
wadnahayga qoontoo
ku qasaastey jaceyl
qoraansiga jaleecadiyo
ishan kugu qacsiiyo
qalbigu i qaboobaa
qof walba qumanihiisaa
qoorta usudhanoo
naf laqaatay
quusan maysee
qiimee jaceylkoo
qaybtada ila qabo
qumanay walaaloy
inaad qaali tahay
anigaa kuu qiray
naftu kuu qushuucdee
ila qaybso oo hoo
qor qoori jaceylka
qalbiiga dhigo
dhaxan yayna qaban
cidkale yay qaadan
waxey quban qalbiga oo
waxey qalan wadnaha oo
waxey qodaan meel dheero
waxa qaba jaceyl
hadii aad qalanjo
jaceyl ila qadi lahyd
naftaada iiquudhilayd
intaan qaalmo kaa baxshan
dhulka kaa qaadi lahaa
laabta kugu qaban laa
qalbiga kugu qori laa
qoys aynu noqonoo
qiimaha noloshiyo
quud aan wadagne
adiguna qalanjooy
naftada ii quudh
jaceylkana ila qaad
sidan anigu qabo
jaceylku waa qabyo
hadan lagula qaban
oo aan lagula qabin
qar qaryada jaceylbaa
iqaaribey nafteydee
ilaa qabo walaaloy
qaxar hay horsedine

Exit mobile version