qalbigayaga adigaa nastoo
niyada dabin nagid ku tahay uuno
nuurka indhaha iyo
naftaa saaxil kentaye

nabarada i damqana iyo
halkay dububtu iga hayso
ee nacabku iga wiiqay
ee naafo ii yeelay
ee igu noqnoqonaaya
baa galay abdiga iyo
nudaha beerkayga

waa adiga ruuxii indhuhu
aayar ku naastane
waa adiga ruuxi naftu
oonkii uga guudhay
waa adiga ruuxan
aan nacayn oo
aan nasiibsadaye
ha nusqaamin caashaqani
waa nabad gal labadeena

sida nuxurka geedahaha
nalka iyo ubaxa iyo
naq iyo roobaadka
neecawda udugiyo
qaow la isku naxariisto

ayaad adigu ii tahay
ha is odhan ku nacay adiga
ha i odhan mid kale nawil
ha i goynin neerfaha
garo waxaan adiga kuugu noqnoqonayo

waa adiga ruuxii indhuhu
aayar ku naastane
waa adiga ruuxi naftu
oonkii uga guudhay
waa adiga ruuxan
aan nacayn oo
aan nasiibsadaye
ha nusqaamin caashaqani
waa nabad gal labadeena

Exit mobile version