sidii waqal roob
waqooyi galbeed
wajaala hayaa
wanaag igu deeqday
waayadaneey
nabsibaa i wadoo
ma waaban karee
armaad wehelkayga noqota
sidii wabigiijuboo
warana waraabshay dhulkaa
way kaa helaysa
naftayda wiilyoow
cishqibaa i wadoo
ma waaban karee
amiir wehelkayga noqotaaa

adaa wiilashii indhaha aragoo
wadnaha dagayoo
waaxya idilkood wadaad ka dhigte
inaan is wacnoon
warkaaga helaan
u wayraxayaa
u waalanayaa
adaa waagii baryoo
wareer kalgacayl
wahay i badoo
ma weecan karee
cishqibaa i wadoo
ma waaban karee
amiir wehelkayga noqotaaa

Exit mobile version