kasheyda adigaa daweeya
duruusta jaceyl ukeenay
dareenka xagaaga aaday
anaan kuna dayrinayeyn
qalbiga adigaa dugsiiya
sidiii ubad ii daryeela
adaa dhaxanta iga dada
adaa ubax igu dul beeray
dadaalkii adaa sameeyay
nacabkii adigaa dukheeyay
inaan duulnana ku nooday
adaa ubax igu dul beeray
dadaalkii adaa sameeyay
nacabkii adigaa dukheeyay
inaan duulnana ku nooday

halkii daldalool kamuuqdo
sibaad u daryeelaysaaaye
dibnaha adoon kasheegin
hortayba adaa daboola
hadaan dinu kaa ishaartay
naftayduna kugu dagayso
jaceylku ha dayr dhalee
isaar laabtiyo dushaada
adaa ubax igu dul beeray
dadaalkii adaa sameeyay
nacabkii adigaa dukheeyay
inaan duulnana ku nooday
adaa ubax igu dul beeray
dadaalkii adaa sameeyay
nacabkii adigaa dukheeyay
inaan duulnana ku nooday

Exit mobile version