Boqoradii jigjigiyo
Quruxdii booramaay
Bilicdii hargeysiyo
Xidigtii berberaay
Gobtii buuhoodliyo
Gaaridii burcooy

Boqoradii jigjigiyo
Quruxdii booramaay
Bilicdii hargeysiyo
Xidigtii berberaay
Gobtii buuhoodliyo
Gaaridii burcooy

Baxsantii sooliyo
Basradii sanaageeey
Burkii badhaniyo
Dheemantii bariyeey
Xulkii boosaaso iyo
Bilcantii nugaalleey
Xulkii xulkii boosaaso iyo
Bilcantii nuugaaleey

Baxsantii sooliyo
Basradii sanaageeey
Burkii badhaniyo
Dheemantii bariyeey
Xulkii boosaaso iyo
Bilcantii nugaalleey
Xulkii xulkii boosaaso iyo
Bilcantii nuugaaleey

Burjiga dumarkiyo
Madaxa bilistaay
Boqol dhaantooy
Adaa adaa ku barbaaray
Dhulkeeni bilnaaye
Barwaaqadu taaley

Burjiga dumarkiyo
Madaxa bilistaay
Boqol dhaantooy
Adaa adaa ku barbaaray
Dhulkeeni bilnaaye
Barwaaqadu taaley

Bureeqada jabuutiyo
Xariirtii banaadireey
Baxnaanadii gaarisiyo
Luulka baydhabaay
Bilayskii baladweyniyo
Dahabkii Baraawaay

Bureeqada jabuutiyo
Xariirtii banaadireey
Baxnaanadii gaarisiyo
Luulka baydhabaay
Bilayskii baladweyniyo
Dahabkii Baraawaay

Qalanjadii Bu'aaliyo
Nasabkii Baardheeraay
Barigii Kismaayiyo
Beerluladii jiribeey
Bilkhayrtii cadaadiyo
Qurayshtii baladkaay
Bilkhayrtii cadaadiyo
Qurashytii baladkaay

Qalanjadii Bu'aaliyo
Nasabkii Baardheeraay
Barigii Kismaayiyo
Beerluladii jiribeey
Bilkhayrtii cadaadiyo
Qurayshtii baladkaay
Bilkhayrtii cadaadiyo
Qurashytii baladkaay

Exit mobile version