Caku barashadaadii
Cugashiyo dareenkii
Caashaqii ikaa baray
Cindigayga kama bixin
Hayeeshee cabashadayda
Caawa kuu cabirayaa
Igu cuslaa caashaqaagii
Caqligaagu miyuu ku siiyey
Dhaqaaqaa galab carowdee
Carro kale cagaha saartee
Kashii aan kugu casuumay
Cidlada intaad ku tuurtay
Codkaagii maxaan u waayey
Caju calmashaadaadii
Curuqiyo laxaadkii
Laabtayda kugu xulay
Cisho qudha kama dinl
Ogsoonow ciilkiyo lurkaaga
La cataabayaaye
Igu cuslaa caashaqaagii
Caqligaagu miyuu ku siiyey
Dhaqaaqaad daba carowday
Carro kale cagaha saartay
Kashi aan kugu casuumay
Cidlada intaad ku tuurtay
Codkaagii maxaan u waayey

Exit mobile version