caku barshadaadiyee
cugashiyo dareenkii
caashaqii ikaa baray
cindigayga kama bixin
hayeeshee cabashadaydaa
caawa kuu cabirayaaye
igu cuslaa caashaqaagii
caqligaagu miyuu kusiiyey
dhaqaaqaad galab carowday
carro kale cagaha saartay
kashkii aan kugu casuumay
cidlo intaad ku tuurtay
codkaagii maxaan uwaayey
caku calmashadaadii
curuqdiyo laxaadkii
laabtayda kuu curay
cisho qudha kama ladin
ogsoonow ciilkiyo lurkaa
la cataabayaayeee
igu cuslaa caashaqaagii
igu cuslaa way cashaqagii
caqligaagu miyuu ku siiyey
dhaqaaqaad galab carowday
carro kale cagaha saartay
kashii aan kugu casuumay
cidlo intaad ku tuurtay
codkaagii maxan uwaayey