Codkaagiyo sowtka wacan
Hadaanan ku seexan bilan
Sardhaba anigon ka bogan
Waxan ahay ruux ka sasan
Hurdiyo jiifoo silsilan x2

Matihid ruux hadal sirgaxan
Wanaag iyo samo ka maran
Saluug iyo dayro badan
Sagsaag iyo been ku falan
Santaag iyo kibir ma baran
X2

Qofaan kula simo madhalan
Anoon sawir kaaga dhugan
Firaashka masaaro dhaban
X2

Adaa saxarlaay kal xalan
Cindiga xumo iigu sidin
Sifaha dumar iiga xulan
Sumada dhaqan keena
Huwan sidii dayax nura
Shidan x2

Sirteenu namiim kadadan
Naftaaduna ii sakhiran
Naftayduna kuu sasaban
Kashaydu dartaa usaran
Kashadana cashaq suran
X2

Qofaan kula simo madhalan
Anoon sawir kaaga dhugan
Firaashka masaaro dhaban
X2

Exit mobile version