haday daacadi hungowday
damacu uu ka anbaday xaqiiqda
jacaylku ha isdaba wareego

doraad aniga ku rabay
shalayto adaa i diiday
maantana aniga ku dayrshay

midkeena dayaciyo
keena daryeela
dunidaa arkaysee
duhurkiina adigu hay
habeenkiina aniga ii daa

hadii dan lihi habsaamo
rajadu dib u guratay weeyo
caashaqu ha is diidanaado

dadaa anigoo u heellan
dantaana adigon horjoogsan
hadana waxunba is doorshe

Exit mobile version