Kolkay dhaayuhu adiga ku arkeen
Ayuu kawsaday cishqigan karayuu
Haduu ku hashiiyo dhib badi jiray kaa
Kaa sii daran maanta kaa kuu keenay

Kolkay dhaayuhu adiga ku arkeen
Ayuu kawsaday cishqigan karayuu
Haduu ku hashiiyo dhib badi jiray kaa
Kaa sii daran maanta kaa kuu keenay

Waa waxaan ku hamiyay
Inaan ku helee
Midaan kaligeed
Haween ka xushaay
Kaskiyo maankaa
Ku weheshanaayee

Waa waxaan ku hamiyay
Inaan ku helee
Midaan kaligeed
Haween ka xushaay
Kaskiyo maankaa
Ku weheshanaayee

Adaa kalgacayl
Kashayda badee
Miayay koonkaba
Mid kuu dhiganto
Ku nooshahay adaa
Ku siisan karaa

Adaa kalgacayl
Kashayda badee
Miayay koonkaba
Mid kuu dhiganto
Ku nooshahay adaa
Ku siisan karaa

Qalbigan ku rabee
Dadkana kuu jecel
Jeeluu ku hantoo
Adiga ku heloo
Kolnaba xiisuhu
Ka bi,i maayee
Ku soor weedhaha
Koriya caashaqa

Qalbigan ku rabee
Dadkana kuu jecel
Jeeluu ku hantoo
Adiga ku heloo
Kolnaba xiisuhu
Ka bi,i maayee
Ku soor weedhaha
Koriya caashaqa

Adaan kaftanleey
Kun iyo kaw jeer
Ku jecelahoo
Qalbiga kaabaa
Kaskiyo maankaa
Ku weheshanaayee

Adaan kaftanleey
Kun iyo kaw jeer
Ku jecelahoo
Qalbiga kaabaa
Kaskiyo maankaa
Ku weheshanaayee

Adaa kalgacayl
Kashayda badee
Miayay koonkaba
Mid kuu dhiganto
Ku nooshahay adaa
Ku siisan karaa

Adaa kalgacayl
Kashayda badee
Miayay koonkaba
Mid kuu dhiganto
Ku nooshahay adaa
Ku siisan karaayee

Exit mobile version