Sida ubax manlooo
Midab same quruxoon
Naf mulkiday qalbiga
Mankana dagtoo
Rajadi mardi iyo
Madmadow tirto
Noloshana macaan
Ka dhigtay macaan
2x
Manfac iyo dawooy
Miirkay hagaa
Hadan maalmahad
Umiciin istidhi
Kaa mashquulsana
Oon kumoogana
Mantaba naftan
ka marmi karin
2x
Muuq saneey hadan
Donidoo dhan maro
Waa mabnuuc inan
Masaal kaa helaa
Waa mabnuuc inan
Marleey kula simaa
Waa mabnuuc inan
Kula meel dhigaa
Waa mabnuuc inan
Maankaba gasha
2x
Sidi roob miiroo
Mulucleeyey daad
Adaa midab saneey
Masheeyey deejo
Mustaqbal keniyo
Shidoo misibaax
Xaskaygana maniyo
Meel wayn ku yaal
2x
Muftaaxi libtaay
Mabsuudkii hankay
Waxan miirsadoo
Maandhayay nastoo
Farxad wacan mulkiyey
Markii aan ku helay
Marwo goba ahiyo
Maamuus sharaflee
2x
Muuq saneey hadan
Donidoo dhan maro
Waa mabnuuc inan
Masaal kaa helaa
Waa mabnuuc inan
Marleey kula simaa
Waa mabnuuc inan
Kula meel dhigaa
Waa mabnuuc inan
Maankaba gasha
2x

Exit mobile version