Waraabahu habeenkii
waraabuhu wareegayoo
weerkuna wehel yahay
wadku iima fududaan.

Walwalkiyo dhibtaan qabo
ruuxii waayo aragoo
waan kala waraystsaa
waxyeeladan isaaranee.

Wuxu waa aduunyee
ruuxba waayo soo joog
weheshaday dugaagii
laga weecan jiraye.

Isma lahaynoo jacalba ku waaliye
isma lahaynoo koos baad is waayinee
isma lahayno wakhtigaa ku ciiliyee
waanuhdaydaa waa waalalawga igu dhacay

Wiiqay jidhkaygaygiyo
wadnahayga mudayoo
ruuxan Waa! is moogayn
wajigayguu dareemaa.

Walwalkiyo dhibtaan qabo
ruuxii waayo aragoo
waan kala waraystsaa
waxyeeladan isaaranee.

Wuxu waa aduunyee
ruuxba waayo soo joog
weheshaday dugaagii
laga weecan jiraye.

Isma lahaynoo jacalba ku waaliye
isma lahaynoo koos baad is waayinee
isma lahayno wakhtigaa ku ciiliyee
waanuhdaydaa waa waalalawga igu dhacay

Exit mobile version