inanyahay hilaaciyo
sida hogol daruureed
hooban la moodyey
kun ka may la hiraysaa
hadii wiil gayaan ihi
haasaawe kaa rabo
hagaag ma ula haysaa
mise waad haleysaa
anoo heelo sare li iyo
hawd caleenlo joogo
dhirtu hadhac qabowday
haasaawe beeniyo
hoosiiska galabeed
la iguma mudaaye
horta baro ayaan ahaye
haye nabade goorkale
ha inoo ahaatee
hadhuub daatay yuu
noqon haasaawaheenue
hareertaada ila qabo
haye nabade goorkale
ha inoo ahaatee
hadhuub daatay yuu
noqon haasaawaheenue
hareertaada ila qabo
wedkaan ka haybsadey
gurigaad uhooyatoo
hido nuura inad tahay
wan hayaa warkaagee
aduu hwadaa akorin
ma ogtahay hanweynida
habeen geedka miidhada
waa lagu habsaamaa
sidaa aar hamuun qaba
intuu dhaowr habeen qabay
baadi meel ka halacsadey
ha udhiman ha udhiman
ha udhiman hunguri xumo
ma ogtahy hal iyo laba
hawli kuma dhamaatoo
hirbanaano ruux dagay
barqo hoy ma oodayee
haye nabade goorkale
ha inoo ahaatee
hadhuub daatay yuu
noqon haasaawaheenue
hareertaada ila qabo
haye nabade goorkale
ha inoo ahaatee
hadhuub daatay yuu
noqon haasaawaheenue
hareertaada ila qabo
ha udhiman hurguri