xareedkoo da'aysiyo
xigta waa la dhowraa
sida xaraf quraanba
xiska kuugu hayaa

xubna geeyanlayee
adigaa xaqdhawriyo
iga mudan xanaanee
ha xasuusan ruuxi digay

xidigtii somaalay
hadal xanaf abuuriyo
xiqdi kuuma quudhe
xaalka qaado wixii dhacay

xanuun looma gooyo
xubin kaa bukoote
xaajadii dabiibtiyo
xalkeeda la raadsha

xuduntii naftaydaa
adiga xalaashiyo
xilo ii ahaaye
xaasid yaanu ina kala xaman

Exit mobile version