Waa daymo yaabloo
Waa dabaylaha kalgacalkiyo
Duufaanka xiisuhu
Sida dirirka cawleed
Ama daad i qaadyoo
Ku dayoobay aragtida

Dajiyaay hibaaqeey
Duntii ehlu baydkiyo
Inaad tahay duriyadii
Diirkii Nabi Ismacil
Dabcigad u dhalataa
Dunidaba qariib ku ah
Dabcigaad u dhalataa
Dunidaba qariib ku ah

Dumar ugu filrooneey
Dawliilka quruxda
Darmaan loo hibeeyaay
Marka aan ku daawado
Caashaqu i damaqyoo
Dhugashada ma dayn karo

Dajiyaay hibaaqeey
Duntii ehlu baydkiyo
Inaad tahay duriyadii
Diirkii Nabi Ismacil
Dabcigaad u dhalataa
Dunididaba qariib ku ah
Dabcigaad u dhalataa
Dunidaba qariib ku ah

Exit mobile version