Walaalkay gacaloyoow
Gaafkaaga hadii aanan iman

Halkaad ku aroos gashana
Qalbigaan kaala goynayaa
Gibladiyo dhaantadee
Dhambaalada iga gudoon

Guushayda mid kaaba iyo
Geeshaan ku dagaal galiyo
Garabka midigtayda iyo
Geesi aan wada dhalaniyo
Walaal ii gooniyoow

Farxada guurkaaga iyo
Inaan gelbiskaaga iman
Gaabkaa iga kaa xidhiyo
Dunida sii kala go'daa
Gar eexo inoo dhigtee
Walaal ii gooniyoow
Gudoon hambalyada gudoon

Gurigaad wada dhisteen
Geenyadaad wada jirtaan
Illaah ha idin garab galee
Abidkiin is gargaara oo
Gasiin wada quuta oo
Gabdhiyo dhala wiilaloo
Nolosha farxadeeda gala

Halyay garashadu hagtoo
Mid aan gunimada aqoon
Xaqiyo kala gura dulmiga
Gaashaanka naftayda iyo
Walaal ii gooniyoow

Halkaad ku aroos gashiyo
Inaan geeskaaga iman
Gurbaanka inaanan tumin
Gefbay iila muuqataa
Xilkaaga inaan gabee
Walaal ii gooniyoow
Gudoon hambalyada gudoon

Gurigaad wada dhisteen
Geenyadaad wada jirtaan
Illaah ha idin garab galee
Abidkiin is gargaara oo
Gasiin wada quuta oo
Gabdhiyo dhala wiilaloo
Nolosha farxadeeda gala

Exit mobile version