Caashaqqu mushkilaadiyo
Mahadiyo dhib badanaa
Labadii is mudatee
Dooqu uu mideeyana
oo aaya Qilaafiyo
Muran la isku jiidhee
Hadimo maa kuwada jiro
Maxaa la isku haystaa

Ma jaraha isfahaniyo
Dulqaad baa umaslaxadee
Maareenta xiisaha
Waa in loo mirgoosha
Meesha ugu haboon talo
Muxibada si loo helo

Caashaqu mashquuliyo
Masalo iyo murug badanaa
Labdii is mudatee
Jamashadooda meel daya
Maalinba mid boodiyo
Ismaadhaaf ma yaree
Haddi maanku wada jiro
Maxaa la isku haystaa

Ma jaraha isfahaniyo
Dulqaad baa umaslaxadee
Maareenta xiisaha
Waa in loo mirgoosha
Meesha ugu haboon talo
Muxibada si loo helo

Exit mobile version